U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Hiraan

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Banyaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 qof, sida Goobjoog News u sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

Dhaawacyadii ugu badnaa ayaa habeenkii xalay ahaa loo kala qaaday degmooyinka Dhuusamareeb iyo Hiiraan, iyadoo weli xaaladda halkii lgu dagaallamay tahay mid aad u kacsan.

Labadan beel ayaa isku haya dhul daaqsin ah oo ku yaalla halkaasi, iyadoo aanu jirin dhaq dhaqaaq muujinaya in lagu damiyo colaaddan.

Beelahan ku dagaallamaya Banyaaley ayaa kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo dagaalkaanna ahayn kii ugu horreeyay oo ka dhaca deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News