U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey beello wada deggan tuulada Jameeca Misre oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay tuuladaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalladaasi ku dhintey ugu yaraan 4 qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana sidoo kale jirtey guryo badan oo Labada dhinac ay iska kala gubeen.

Xaaladda tuuladii lagu dagaallamay maanta oo Arbaco ah waa ay ka yara deggan tahay sidii shalay, walow weli ay jiraan hub uruursi ay wadaan beelihii dagaallamay.

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Balcad oo la hadlay Goobjoog News, waxa ay sheegeen  iney wadaan dedaallo ay ku xallinayaan dagaalladan.

Beelahan ayaa ku dagaallamaya dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla, waxaana jirin weli cid si rasmi ah u kala dhexgashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News