U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Dhexmaray Al-shabaab Iyo Shacab Ku Dhaqan Mudug

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo dad shacab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Cadalley oo u dhaxeeysa deegaannada Camaara iyo Ceelhuur ee gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka billowday kadib markii rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay Geel ka qaadeen dad halkaasi ku dhaqan, taasi oo keentay in shacabkii ay hub uruursi sameeyaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhimatay dad ka badan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay.

Dagaalkaan oo saacado badan socday ayaa ku siqay deegaanno ku dhaw Cadalley, iyadoo la sheegay in Labada dhinacba ay kala heleen gurmadyo.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankii lagu dagaallamay ayaa isaga oo ka gaabsaday magaciisa waxa uu Goobjoog News u sheegay inay u dulqaadan waayeen Geellooda oo la dhacayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga markii aan aragnay in hantideena ay boobayaan nimankaan la baxay Shabaab waxaan go’aan sannay inaan iska celinno oo aynu la dagaallanno, waxaan kasoo ridannay geellii intiisa badneyd kuwa kalena waan ku daba joognaa oo nimanka waan sii wadnaa” ayuu yiri.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi ka dhacay gobalka Mudug, dhinaca kalena maamulka Galmudug isna sidoo kale kama aanu hadal dagaalkaasi.

Goobjoog News