U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Degmada Baraawe

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen dhanka xeebta ee degmada Baraawe.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ku jirey.

Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka, waxay sheegeen iney iska caabiyeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Dhanka kale, waxaa goobihii xalay lagu dagaallamay maanta lagu arkay Meydka mid kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab oo ku dhintey weerarkii xalay ka dhacay degmada Baraawe.

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabella Hoose, weli faah faahin buuxda kama aaney bixin weerarkaasi, iyadoo xaaladda guud ee degmadu tahay mid aad u deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News