U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xalay Ka Dhacay Afgooye, Shabeellada Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanayo degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in saakay ay xaaladdu tahay mid degan dagaal xalay dexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xarakada Al-shaab halkaas ku dhexmaray.

Weerarka ayaa la xaqiijiyey in markii hore ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo soo weeraray fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Dadka deegaanka qoorkood oo aan la xiriirnay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalka uu ahaa mid waqti kooban socday isla markaana aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ammaanka degmadaasi ayaa ka gaabsaday inay faafaahin ka bixiyaan dagaalkii xalay degmadaasi ka dhacay.

Ganacsiga degmada Afgooye iyo isku socodka gaadiidka degmadaasi ayaa saakay si caadiya u shaqeynaya dadka degmada oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa sheegaya in xaaladdu ay saakay tahay mid deggan,isla markaasna aysan jirin wax dhibaato ah oo degmadaasi ka taagan.

Goobjoog News