U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan.

Inkastoo aan la ogeyn sida dagaalkan uu ku billowday ayaa hadane dadka ku sugan magaaladaasi waxay kusoo baraarugeyn dagaal xooggan oo halkaasi ka socda, iyadoo hub culus ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Dadka faro ku turiska ah ee ku haray Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka oo ka bilowday Galbeedka Gaalkacyo uu kusoo faafey qaar kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

Waxaa xaafadaha qaar ee Gaalkacyo kusoo dhacay Hoobiyeyaal iyo madaafiic kale oo Labada dhinac is weydaarsanayeen.

Khasaaraha inta uu la egyahay lama oga, balse waxaa jira dhaawacyo farabadan oo Labada dhinac ee magaalada loo kala daabuley.

Dagaalkan ka socda Gaalkacyo ayaa imaanaya xilli rajo wanaagsan laga qabey in Puntland iyo Galmudug ay ka wada hadlaan arrintaan, maadaama madaxweynayaasha maamulladan ay heshiis kusoo kala saxiixdeen dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News