U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka socda duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta dagaal kale uu dib uga qarxay aagga Galgala oo saaka dagaal qaatay muddo labo saac ah uu ka dhacay.

Degaanka Af Urur ayaa lagu dagaallamayaa waxaana dagaalka uu yimid markii Al-shabaab ay xilli waagga uu baryayey ay weerar lama filaan ah ku qaadeen halkaas oo ciidanka daraawiishta Puntland ay gacanta ku hayeen.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac kala gaaray walow khasaaraha rasmiga ah aan la heli karin, maadaama goobaha lagu dagaallamayo laga jaray Isgaarsiinta.

Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News.

Taliyaha ciidanka Puntland Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) ayaa goobta dagaalka.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen iney dileen 60 kamid ah ciidamada Puntland, kuwo kalena ay dhaawaceen, iyadoo weli Puntland dhankeeda aanay war kasoo saarin dagaalladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News