U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Mukhtaar Roobow Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhexmaray dagaalyahannada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Abal, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

In ka badan 15 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalammay ayaa dagaalkaasi ku dhintey, iyadoo dhaawacana uu gaarayo 20, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xaaladda deegaankii maanta lagu dagaallamay ayaa caawa ah mid deggan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii dagaallamay.

Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada taabacsan Mukhtaar Roobow ay Al-shabaab ka gubeen Laba gaari oo ah kuwa dagaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News