U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Maanta Gobalka Mudug Ku Dhexmaray Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo xarakada Al-shabaab ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanka Dabakaaro oo qiyaastii 18-km u jira deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.

Dagaalka maanta ayaa ahaa mid ka culus kuwii horay uga dhacayey gobollada Mudug iyo Nugaal, waxaana dhulka maanta lagu dagaallamayey ahaa mid dooxo ah.

Ugu yaraan Seddax qof ayaa ku geeriyootay dagaalkii maanta, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa lahaa weerarka dagaalkan, waxaana wararku ay sheegayaan in Labada dhinac ay isku adeegsanayeen madaafiic aad u xooggan.

Saraakiisha ciidamada Puntland ee aagga hore ee dagaalka ayaa guul ka sheegtay dagaalkii maanta, waxaana ay tilmaameen inay dileen dagaalyahanno kamid ah Al-shabaab, kuwo kalena ay nolosha ku qabteen.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladan, iyadoo weli xaaladda deegaannadii maanta lagu dagaallamay laga maqlayo rasaasta ay Labada dhinac is weydaarsanayaan.

Goobjoog News