U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Ciidamada DFS Iyo Kuwa Al-shabaab Ku Dhexmaray Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow ee Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan ka dhasheen.

Dagaalyahannada Al=-shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deeganakan ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, islamarkaana ciidamada xoogga dalka ay dib ugu laabteen deegaankaasi, kadib saacado kooban oo Al-shabaab la wareegeen.

Waxay ciidamada wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo la sheegay in ciidamada ay deegaankaasi ka degeen gudaha iyo duleedyada.

Inta la xaqiijiyey dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhimatay Saddex qof, iyadoo dhaawacna uu jiro.

Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Ceelka Geelow ayaa sidooda halkaasi ujooga, balse waxay ka baqanayaan in mar kale lagu dul dagaallamo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News