U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Deegaanka Deefoow Oo Dagaalo Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

DeefowWararka saaka ka imaanaya deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo halkaasi.

Beelo wada dega deegaankan ayaa dib halkaasi ugu dagaalamay, waxaana dagaalo ay halkaasi ka dhaceen shalay iyo maalmihii ka horeeyay.

Dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay Deefoow, kadib markii ay naftooda la baqeen, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ilaa iyo xilligan aan la kala dhex galin.

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa warbaahinta u mariyay beelahaan dagaalamaya in ay nabadda qaataan oo wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Ilaa iyo hadda ma muuqato qorshe rasmi ah oo maamulka gobalka iyo Waxgaradka ay ku doonayaan in dagaaladaan ku damiyaan.

Goobjoog News