U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Deegaanka Moqokori Oo Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Faarujiyeen

Sheeko:Dalka

Gelinkii hore ee shalay waxaa deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan isaga baxay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee halkaasi ku sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaankaasi waxay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen ciidanka Al-shabaab oo markii horeba deegaankaasi ka dhawaa.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan oo aynu xiriir la sameynay waxay si kooban u sheegeen in ka bixitaanka deegaanka Moqokori ay tahay oo kaliya isbedallo lagu sameynayo ciidamada.

Shacabka ku dhaqan deegaankaasi ku dhaqan waxaa soo wajahay cabsi, maadaama laga yaabo in ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay halkaasi dib ugu laabtaan.

Cabsida ugu daran ee dadka shacabka ah ay qabaan ayaa ah in dagaal uu ka dhaco deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News