U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Degmada Aadan Yabaal Oo Ay Dib Ula Wareegeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dib uga baxeen degmadaasi, xilli Al-shabaab ay halkaasi dib u qabsadeen.

Maxamuud Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shalay ay Al-shabaab qabsadeen deegmadaasi kadib markii ciidanka is garabsanaya ay halkaasi isaga baxeen.

Waxa uu tilmaamay in ka bixitaankan ay tahay oo kaliya xeelad ciidan, islamarkaana ciidanka ay dib ugu laaban doonaan halkaasi.

“Waxaan wadnaa abaabulka aan dib ugu laabaneyno degmada Aadan Yabaal, Al-shabaab ayaa shalay barqadii dib ula wareegay, waana qorshe ciidan, haatanna waan ka bixineynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ciidamadii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa u ruqaansaday dhanka gobolka Hiiraan, xilli halkaasi ay joogeen wax ka yar 72 saac.

Xaaladda degmada Aadan Yabaal maanta oo Axad ah waa mid deggan, inkastoo shacabka degmadaasi ka baqanayaan in ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoog News