U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Degmada B/xaawo Oo Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaasi laga dareemayo xaalad deganaanshiyo ah, kadib dagaallo khasaare geystay oo shalay ka dhacay degmadaasi.

Xarumaha ganacsi ee degmadaasi qaarkood dib ayeey u furmeen inkastoo degmada lagu arkayo ciidamo badan oo Jubbaland.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku geeriyootay 4 qof iyadoo 6 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Jubbaland ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad la sheegay inay kasoo horjeedeen maamulka cusub ee degmadaasi loo magacaabay.

Saraakiil u hadashay Jubbaland waxay shacabka degmada B/xaawo u sheegeen in xaaladda ay tahay mid deggan.

Goobjoog News