U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Degmada Caabduwaaq Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Dagaal la xiriira is qabqabsi dhul ayaa shalay ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo degmada Caabudwaaq waxay sheegayaan in xaaladda ay deggan tahay, inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta in mar kale dagaallo ay dhacaan.

Iska horimaadkii shalay ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan Hal qof uu ku dhintay, iyadoo ku dhawaad Shan kale ay ku dhaawacmeen, sida dad Goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Dadka dhaawcmay ayaa la geeyay isbitaalka degmada Caabudwaaq, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo sheegay in xaaladda ay nabad ku dhammeynayaan.

Odayaal dhaqameed ayaa degmadaasi ka billaabay xallinta wixii shalay dhacay, iyo inay dhinacyadii dagaallamay la kala qaado.

Galmudug ayaa dhawaan maamul cusub u magacaabay degmada Caabudwaaq, hase ahaatee degmadaasi waxaa ku badan maleeshiyaadka qaab qabiilka u abaabulan, misane hubeysan.

Goobjoog News