U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Doon Sidday Tahriibayaal Oo Ku Degtay Badda Masar

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa doon siday 600 oo qof, kuwaasi oo tahriibayaal ahaa, islamarkaana ku degtay Badda Masar.

Doonidan waxay ku degtay xeebta Magaalada Dekadda ah ee of Rosetta, waxaana jira dad dhintay kuwo lasoo badbaadiyey iyo sidoo kale dad kale oo weli la layahay.

Inta la hubo 42 qof ayaa ku dhintay doonidaasi, waxaana ciidamada ilaalada xeebaha dalka Masar ay soo badbaadiyeen 170 qof, waxaana la la yahay dhammaan dadkii kale ee doonidan saarnaa.

Waxaa socda howlgal badbaadin ah oo lagu raadinayo dadkan inta kale ee ka nool, iyo sidoo kale haddii ay jiraan dad halkaasi ku dhintay.

Dadka lasoo badbaadiyey qaarkood xaaladooda waxaa lasoo sheegayaa iney tahay halis, una baahan gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa ku wajahnaa dalka Talyaaniga, lamana oga sababta ka dambeysay in doonidii ay saarnaayeen badda ku degto.

Goobjoog News