U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Beeleed Ka Qarxay Gobolka Sool.

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay oo ay Goobjoog News ka heleyso gobolka Sool ayaa sheegaya in ay yara deggan tahay xaaladda degaanka Dhumay ee duleedka magaalada Laascaanood.

Deganaanshiyaha ayaa imaanaya iyadoo shalay halkaasi uu ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya laba malleeshiyo.

Dadka degaanka oo u warramay mareegta Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in dagaal beeleedka uus alka ku hayo aanooyin qabiil oo horay labada beel u dhaxemaray.

Waxa sidoo kale iyana buray heshiisyo horay labada beelood ay u kala saxiixdeen kuwaasoo u muuqda in ay meesha ka baxeen marba haddii dagaal cusubi qarxay.

Waxaa lagu soo warramayaa in dad kor u dhaafaya 16 qof ay geeriyoodeen halka ay dhaawacmeen tiro kale.

Dhaawacyada waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka Laascaanood sida wararka aynu ku heleyno.

Maanta ayaa qaar kamid ah odayaasha Laascaanood ay u ambabaxeen degaanka Dhumay oo dirirta labada beel ka taagan tahay.

Goobjoog News