U bood dhigaalka

Wararkii Ugu dambeeyay Ee Degaannada Hoostaga Xarardheere Oo Lagu Dagaallamayay

Sheeko:Dalka

Waxaa xaalad deganaansho ah maanta laga soo sheegayaa degaanka Dumaaye ee hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaasoo maalmahan uu ka socday dagaal.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo dadka degaanka oo taageeraya Galmudug ayaa maalmahan ka socday degaanno ku teedsan degmada Xarardheere wuxuuna salka ku hayaa khilaaf soo kala dhex galay Xarakada Alshabaab iyo dad shacab ah oo degaannadaasi ku nool.

Wariyaheenna Galgaduud ayaa soo sheegaya in degaanka Dumaaye xaaladdiisu tahay mid wanaagsan oo ka yara deggan sidii shalay ay ahayd.

Dagaalka u dhaxeeya Alshabaab iyo dadka shacabka ah waxaa ku dhintay in ka badan 20 ruux oo labada dhinac ah, waxaana Galmudug oo ka hadashay ay sheegtay inay lug ku leedahay dagaalkaasi.

Xaaladda deganaansho ee maanta laga dareemayo Dumaaye iyo Dabagalo ayaa yimid kadib markii dagaallo khasaare badan dhaliyay ay halkaas maalmihii dambe ka dhacayeen, shalay oo ay u dambeysayna ay dhinacyadani ku dagaallameen.

Alshabaab dhankooda weli wax war ah kama aynaan soo saarin, dagaalka ka socda degaannada dhaca Degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Goobjoog News