U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Degmada Kulbiyoow

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa dib u qabsaday degmada Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose halkaasoo maanta ay dagaal kula wareegeen Xarakada Alshabaab.

Weerarka oo ku billowday baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa soo gaaray illaa duhurnimadii maanta isagoo billowday saakadii hore.

Dhowr jiho ayay Alshabaab baabuur qaraxyo ah kaga dhufteen xeyndaabka xerada ciidamadu ku leeyihiin Kulbiyow, waxaana intaa xigay in dagaalyahanno hubeysan ay gudaha ugu daateen xaruntaasi.

Dadka degaanka ayaa ka soo xiganay in la maqlayay rasaas culus oo dhinacyada ay isku adeegsanayeen, waxaana jirey diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn oo sawirro qaadayay.

Tobaneeyo ka kala tirsan ciidamada Kenya iyo kuwa Alshabaab ayaa weerarka ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa go’an isgaarsiinta degmada Kulbiyow oo uu weerarku ka dhacay, warar soo baxayana waxay sheegayaan in caawa ay diyaarado dulheehaabayaan halkaasi.

Col. Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi oo ka tirsan saraakiisha Jubbaland ayaa  Goobjoog News kala hadlay xaaladda degaanka oo uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale, Xarakada Alshabaab ayaa baraha afkeeda ku hadla ku sheegtay in weerar qorsheysan oo guuto ka tirsan iyaga ay ku qaadeen Kulbiyoow ay ciidamada Kenya kaga dileen 65 askari inkastoo afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Kenya uu beeniyay warkaasi hase yeeshee waa uu ka gaabsaday tirada khasaaraha inta ay la eg tahay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada