U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dhuusamareeb Iyo Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Xarunta Inji

Sheeko:Amniga

Wararka aan saakay ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in dagaal qaatay in ka badan 24 saac islamarkaana u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo ciidamo taabacsanaa ururka Ahlu sunna kaasi oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi ay soo afjareen ciidanka dowladda.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in xerada Inji oo saldhig u ahaa Ahlu sunna ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaanka ugu sareya Ahlu sunna ay dalbadeen in ay isku dhiibaan Generaal Mascuud oo ah taliyaha guutada 15-aad ee taliska qeybta 21-aad horeyna ugu tirsanaan jiray ururkaasi.

Sidoo kale wararka kale oo aynu helnay ayaa sheegaya in madaxda ugu sareysa Ahlu sunna lagu wado in maanta ay kulan la qaataan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqor, wallow warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Sawirro laga soo qaaday xarunta Inji oo xalay ilaa habeen hore uu dagaalku ka socday ayaa muujinaya bur bur xooggan oo soo gaaray xaruntaasi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii Dhuusamareeb ka dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo ay xusid mudantahay in khasaare kala duwan uu soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Lama oga halku uu ku dambeyn doono xaalka magaalada Dhuusamareeb oo maanta ka yara degan sidii saacadihii la soo dhaafay.

Goobjoog News