U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Duqeymo Dhinaca Cirka Ah Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadihii la soo dhaafay duqeymo dhinaca cirka ah laga fuliyay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose, waxaana duqeyntaasi lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Qoraal ka soo baxaya taliska AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay 5-ta bishan ka dhacday deegaanka Kuunyo barrow ee gobalkaasi, waxaana Mareykanka uu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen xubin ka tirsana a dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

AFRICOM waxaa sidoo kale ay sheegatay in duqeymahaasi ay la kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Mareykanka iyo dowladda federalka ah ma sheegin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay, inkastoo marar badan duqeymahaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero dhinaca duqeymaha ah ku taageerta dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News