U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Qaraxii Xalay Ka Dhacay Magaalada Garoowe

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay abaaro 7-dii fiidnimo mar qura magaalada Garowe laga maqlay jugta qarax culus kaasi oo lala beegsaday gaari ay la socdeen gudoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska gobaalkaasi Faarax Golangooli.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa waxa uu isku qarxiyay gaariga ay la socdeen masuuliyiintan meel u dhow saldhigga Garowe, waxaana qaraxaasi uu sababay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi oo markii hore ku dhawaacmay qaraxa ayaa waqti ka dib ku geeriyooday gudaha cisbitaal ku yaalla magaalada Garowe, waxaana dhaawac culus uu sidoo kale qaraxaasi ka soo gaaray Taliyihii hore ee booliska Nugaal Faarax Golangooli.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawac soo gaaray dad shacab ah inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka rayidka ah.

Taliyaha booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in qofka is qarxiyay ay ku raad joogeen islamarkaana ay haatan wadaan baaritaano kala duwan kuwaasi oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Baraha lagu taageero Al shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxii xalay ka dhacay magaalada Garowe ay iyagu ka dambeeyeen islamarkaana ay halaaski dileen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

War qoraala oo ka soo kala baxay madaxtooyada Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxaasi waxaana sidoo kale looga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi.

Goobjoog News