U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xasaradda Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo tiradooda ku sheegay 52 Xildhibaan ayaa xalay xilka ka qaaday Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Saacado kadib Xildhibaanno kale oo madaxtooyada ku shiray ayaa xilka ka qaaday madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Intaasi kadib, dowladda federaalka ah ayaa soo saartay war kale oo la xiriira Khilaafka iyada oo go’aankeeda ku sheegtay 3 arrin:

  1. Dowladda waxaa ay walaac ka muujineysaa xasarada amni ee ka soo cusboonaadey xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ee Cadaado.
  2. Dowladda waxaa ay cambaareynsaa falalka aan waafaqsaneen sharciga iyo hannaanka dimoqoraadiyadda ee lagu xayiray dhaq-dhaqaaqa madaxweyne ku-xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Galmudug, waxayna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xuriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
  3. Dowladda waxa ay ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aanka uu baarlamaanka Galmudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay September 26, 2017-ka, loona hoggaansamo sareynta sharciga.
  4. Dowladda waxaa ay fareysaa hey’adaha amniga in ay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro.

Waxaa socdo dadaalo ay wadaan waxgaradka beelaha iyo Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka sidii arrinta loo xalin lahaa.

Wararkan kala soco, Goobjoog News