U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Ay Ciidamada Puntland Ka Sameeyeen Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saraakiisha Booliiska gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay iney soo qabteen aalado laga sameeyo walxaha qarxa iyo sidoo kale rasaas nooca qoryaha waaweyn ah.

Axmed Jeraalle, taliye ku xigeenka qeybta Booliiska ee gobolka Bari ayaa sheegay in sidoo kale ay ciidamada ammaanka soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo iney maleegayeen falal amniga ka dhan ah.

Inkastoo aanu sheegin taliyaha tirada dadka ay xabsiyada ku hayaan, ayuu hadane sheegay in baaritaanno ay sameyn doonaan, ciddii aan dambi lahaynna ay sii deyn doonaan.

“Waxaan soo qabannay hub iyo dad, Hoobiyeyaal aad maqli jirteen Muqdisho ayaa lagu tuuray ayaan soo qabannay, dadka la haya baaritaan baa ku socda oo ka hordhici maayo” ayuu yiri Jiraae.

Ugu dambeyn, taliye ku xigeenka qeybta booliiska ee gobolka Bari ayaa sheegay iney ku haminayaan in waqti dhow ay deegaannada Puntland guud ahaan ka saaraan Al-shabaab.

Goobjoog News