U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Ciidamada Dowladda Xalay Ka Sameeyeen degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, iyadoo ciidamada ay diideen isku socodkii gaadiidka ee degmadaasi.

Waxay wada xireen ciidamada dhammaan wadooyinka, iyaga oo howlgalka ka sameynayay dhammaan xaafadaha magaalada Afgooye.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in falal amniga wax u dhimaya degmada Afgooye ay kusoo wajahan yihiin.

Xaaladda ayaa saaka caadi kusoo laabatay, waxaana si caadi ah usoo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee degmadaasi.

Weli maamulka degmada Afgooye ma aanu sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkaasi iyo sidoo kale hadii ay heleen amni xumida ay sheegayeen iyo cid wadda.

Goobjoog News