U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay, Howlgallo Ka Dhan ah al-Shabaab oo Ka Socda Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Howlgallo ka dhan ah al-Shabaab oo waddooyinka loogu furayo dadka abaaruhu ku dhufteen si loogu gurmado ayaa ka socda gobolka Gedo.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka Gobolka gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo u warramay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladan ay uga golleeyihiin in guud ahaan gobolka laga saaro al-Shabaab oo joogintaankooda gobolka uu khatar ku yahay gurmadka abaaraha loo fidanyo dadka danyarta ah ee dhibaateysan.

Guddoomiye Maxamed Al-Qadi ayaa ugu horreyn ka hadlay howlgallada sida ay u socdaan iyo xilligii ay bilaabeen, waxa uu yiri:

“Muddooyinkan hadda ugu dambeeyay waxaan bilownay howlgallo ka dhan ah al-Shabaab oo deegaannada gobolka Gedo guud ahaan looga sifaynayo, maalmahaan waxaa si joogte ah u socday howlagallada lagu ciribtirayo cadawoga umadda Soomaaliyeed, howlgalladu waxya ka dhacayeen  35KM meel baardheere u jirta oo lagu magacaabo Daar oo guul aad u wanaagsan laga gaaray”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in howlgallada ay ka soo hooyeen guulo waaweyn oo la taaban karo:

“Howlgalladii ugu dambeeyay waxay ka dhacayeen deegaanno waaweyn oo Baardheer hoos yimaadda oo lagu magacaabo Sirima, halkaas oo ay kala kulmeen taariikh aysan ka filayn ay ku dhacday, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxay sameeyeen tallaabo geesinimo leh, habeennimadii ayaa la guureeyay deegaanno ay ku sugnaayeen oo isbaarooyin u yaalleen ayaa isku weer laga qabtay, aroortii markii waagu baryayna waxay ku waabariisteen xabado gudgudddan, dagaal kooban oo meesha ka dhacay waxaa looga soo qaatay illaa Labo qori oo AK47 ah, 3 qofna meedkooda  halkaa  ayuu yaallay, waxaa kale oo aan warbixinno helaynnay meelo fogfog buuro ay ku carareen, in dadka geeljirtu ay soo sheegayeen indhaawacyadii ay halkaa kaga carareen oo maydkii iyo qorigiisii oo is dulsaaran ay dadka reer baadiyaha ah ay ka dulqaadanayaan, dhamaan howlgallada waxaa laga gaaray guulo aad iyo aad u wanaagsan, waanan sii wadaynaa howlgallada illaa gobolka Gedo looga ciribtirayo”.

Waxa uu sheegay in sababta howlgalladu ay yihiin gurmadka abaaraha oo al-Shabaab ay noqdeen qeyb abaarta ka mid ah dadkana dhibaato ku ah:

“Abaaraha shacabka laga caawinayo, lama caawin karo shacabka haddii deegaannada ay joogaan aan laga cayrin, in shacabka la caawiyo ma ogola, wixii qaab kale loogu dhiibo waxay isku dayayaan iney dhacaan, iyagana naftarkooda ayaa waxay ka mid noqdeen abaarta shacabka Soomaaliyeed laga xoreynayo”.

Howlgallada noocan oo kale ah oo u baahan dhaqaale farabadan iyo saanad milatri oo xoogle ayaan la ogeyn inta ay sii socon karaan iyo in laga gaari doono hadafka laga leeyahay iyo in kale.

Goobjoog News