U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Marka Oo Shacab Badan Ka Barakacayaan

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, waxaa maalintii Labaad ka soconaya Barakac baahsan oo ay sameeyanaa inta badan shacabka halkaasi ku dhaqan.

Xaafadda ugu badan ee dadka ay ka barakaceen ayaa ah Ruusiya, waxaana wararka ay sheegayaan in dadka badi ay soo aadeen magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in maalintii shalay ahayd illaa maanta dadka ay barakacayaan, ka dib markii habeen kahor ay ciidamada AMISOM degmadaasi ku dileen dad shacab ah.

Dadka ugu badan degmadaasi ka barakacaya ayaa ah Ragga, hadii ay ahaan lahaayeen dhalin yaro iyo kuwo da ah.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay  in la baari doono wixii ka dhacay Marka iyo eedeynta loo jeedinayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News