U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Nawaaxiga Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Abaare salaadii Maqrib ee caawa ayaa qarax aad u xoogan waxa uu ka dhacay banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw Koontaroolka Koowaad, dacalkana ku haysa Hotelka SYL.

Qaraxaan ayaa loo adeegsaday gaari la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda, iyadoo dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan Shan qof, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 10 ruux.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa isku gadaamay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo baaritaan wada.

Waxaa hakaday dhaq dhaqaaqii shacabka ee wada Horumarta Villa Soomaaliya, iyadoo weli faah faahin intaan ka dheer aan qaraxaasi laga helin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News