U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Afgooye

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo khasaare geystay.

Qof watay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka.

Khasaaraha si dhab ah looma oga illaa hadda, balse Al-shabaab a yaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney ku dileen 12 askari.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhashay, waxaana ay wadaan howlgallo ballaaran.