U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa maanta ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa qaraxaasi ku geeriyootay, iyadoo dhaawacana uu ka badan yahay Shan qof sida dad Goob joogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Qaraxa ayaa la dhigay wadada dhinaceeda, halkaasi oo ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha, gaar ahaan meel kasoo horjeedda Ex- Shineemo Soomaali.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxaan uu saarnaa qof is miidaamiye ah, halka warar kalena ay sheegayaan in gaariga meesha la dhigay.

Qaraxa ka dib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federaalka ah, kuwaasi oo halka qaraxa uu ka dhacay ka sameeyay baaritaanno.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta qaraxa uu ka dhacay, halkaasi oo ay u diideen inay isticmaalaan gaadiidka shacabka ah.

Goobjoog News