U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Miino Oo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheer, Baay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Miinadan ayaa la sheegay in ay ku aasneyd Koontarool ay ciidamada K/galbeed ku lahaayeen degmadaasi, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Waxaa la xaqiijiyey dhaawaca 3 kamid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa kadib hawada laga saaray guud ahaan isgasriinta degmada Qansaxdheere, waxaana jira howlgallo ay wadaan ciida DFS, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan, iyaga oo tilmaamay iney waxyeello u geysteen ciidamo badan oo halkaasi ku sugnaa.

Maamulka K/galbeed iyo saraakiisha ciidamada maamulkaasi weli kama aanay hadal qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News