U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Amniga Iyo Dhismaha Ciidamada Jubbaland Oo Ka Socda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, waxaa maalintii Labaad ka soconaya shir ballaaran oo  lagaga hadlayo amniga guud ee deegaannada Jubbaland iyo sidoo kale dhismaha ciidamada maamulkaasi.

Shirkaan waxaa furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaaam Madoobe, waxaana ka qeybgalaya saraakiil ciidan, xubno ka socda AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii loo dhisi lahaa ciidamada Jubbaland loona tayeyn lahaa, sidoo kalena loo qaadi lahaa dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa u diyaar garoobaya iney Al-shabaab kala wareegaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada