U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib u Heshiisnta Ee Ka Socda Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya shir dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay fureen Ugaasyadii diiday ka qeybgalka shirka degmada Jowhar ee maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Baladweyne waxaa kusii qulqulaya Odayaal dhaqameed iyo sidoo kale siyaasiin, kuwaasi oo doonaya inay ka qeybgalaan shirkaasi.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo tagey Baladweyne ayaa taageray shirkaan, waxayna ku bogaadiyeen in waxgaradka ay xoojiyaan dadaalka nabadeed ee ay ku jiraan.

Xildhibaannada taageeray shirkaan waxaa ka mid ah Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi, Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle iyo Cabdullaahi Goodax Barre kuwaasi oo aad u bogaadiyey waxgaradka soo abaabulay shirkan dib u heshiisiinta ah.

Ugaas Cali Ugaas Muxummad Ugaas Shafeec oo ka mid ah Ugaasyada gobolka Hiiraan oo daah furay shirkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in weli ay soo qulqulayaan waxgarad matalaya beelaha deggan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay rajeynayaan in dhammaan beelaha deggan gobolka Hiiraan ay shirkaasi kasoo qeybgalaan.

Waxa uu tilmaamay Ugaaska in shirkaan uu yahay mid dhaqameed oo dib u heshiisiin ah balse aanu ahayn mid siyaasadeed.

Ugu dambeyn ayuu Afhayeenka sheegay in ay ka codsanayaan dowladda Federaalka in kaalin mug leh ay ka qaataan shirkaasi iyo sidoo kale socodsiintiisa.

Goobjoog News