U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Wadahadalka Nairobi Uga Socda ONLF Iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maalintii Afaraad ka socda wadahadal u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

Wadahadalkaan ayaa lagu doonayaa in lagu dhammeeyo khilaafka mudada soo socday ee Labada dhinac ka dhaxeeya.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar oo dhanka Itoobiya hoggaaminaya wadahadalladan ayaa sheegay in  rajo wanaagsan ay ka qabaan in wax walbo lagu dhammeeyo is faham buuxa.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cumar, iney jiraan waxyaabo badan oo hadda la isku fahmay, waxa harayna la dhammeyn doono.

Marka loo eego qaabka uu hadda wadahadalkan u socodo, waxa uu aad uga duwan yahay wadahadalladii hore ee Labada dhinac dhex mari jiray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News