U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Weerar Ismiidaamin ah ayaa maanta waxaa lagu qaaday xarun ay ku tababaranayeen ciidamo ka tirsan xoogga Dalka oo ku taalla magaalada Kismaayo, gaar ahaan jaamacadda magaaladaasi.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkaasi, waxaana sii kordhay khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay 10 ruux, iyadoo dhaawac badan uu jiro.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Jaamacadda Kismaayo oo ciidankaan la weeraray lagu tababarayay ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu watay gaari nooca NOHA loo yaqaanno.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo ay sheegeen in ay askar badan ku dileen.

Goobjoog News