U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Caafimaad Dadkii Shalay Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa kasoo hagaagaysa xaaladda caafimaad dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysay Isbitaalka Xooga iyo Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniya Cali Maxamed ayaa u sheegtay Goobjoog News in dadkii dhaawcyada xoogan uu soo gaaray ee Isbitaalkaasi shalay la geeyay hadda ay kasoo hagaagayso xaaladooda sidii shalay, una sameeyeen gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Sidoo kale dadka qaar ee dhaawacyada qaba ayeey sheegtay in ay u muuqdaan kuwo dan yar oo u baahan in la caawiyo, waxaana bulshada Soomaaliyeed ay ugu baaqday in la caawiyo dadkaasi.

โ€œXaaladda dadkii dhaawaca ahaa wey soo hagaagaysaa, waxaan u sameynay gurmad caafimaad oo degdeg ah, waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo kasoo raynaysa, dadka dhaawac ahaan loo seexiyay Isbitaalka waa 13 qof, kuwo waxaa jiray dhaawacooda fududaa oo markii howlo caafimaad u qabanay ay guryahooda aadeen, dadkii Isbitaalka ku dhintayna ehladooda ayaa u yimidโ€ ayeey tiri Duniya.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Safiirka Imaaraadka, waxaana halkaasi waxyeelada ugu daran ay soo gaartay shacab goobta ka dhawaa, iyadoo safiirka uu yahay mid bad qaba.

Goobjoog News