U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanka Godinlabe Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay oo Khamiis ah laga soo sheegayaa deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada NISA iyo maleeshiyaad hubeysan.

Ma jirto wax dagaal ah oo laga soo sheegayo deegaanka Godinlabe, waxaana Koontaroolka Koonfureed ee deegaankaasi yaahay mid xasilloon.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa ku billowday kadib markii ciidanka NISA ee Galmudug isku dayeen in Maleeshiyaad Isbaaro dhiganayey ay halkaasi ka qaadaan.

Maamulka Galmudug weli kama aanu hadlin dagaalladaasi, hase ahaatee saakay ciidanka NISA ayaa halkaasi dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada.

Weli goobaha ganacsiga ee deegaankaasi sidii looga bartay uma furna, waxaana cabsida ugu daran ee dadka haysay ahayd in markale la dagaallamo.

Goobjoog News