U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanka Janaale Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Xaaladda guud ee deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa saaka deggan, xilli duleedka deegaankaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM.

Meelo ka mid ah deegaankaasi waxaa ku sugan Xarakada Al-shabaab, iyadoo dhinaca kale ay faaruq yihiin xarumihii AMISOM ay halkaasi ka deganaayeen, sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Hoose.

Dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo midka dadweynaha ayaa ah mid si tartiib ah usoo laabanaya, inkastoo dadka ay ka baqayaan in mar kale dagaallo ay dhacaan.

Walaaca ugu weyn ee shacabka Janaale haysta ayaa ah Buundadii deegaankaasi oo Al-shabaab ay qarxiyeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay aroortii waxay weerareen saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Janaale, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac  isugu jirta, wallow AMISOM ay sheegeen in dib ay ugu laabteen deegaankaasi.

Goobjoog News