U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanka Xeraale Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Sabti ah waxaa laga soo sheegayaa iney ka jirto deeganaka Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwo taabacsan Galmudug.

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa deegaankaasi ka dhacay dagaal culus, kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey 20 qof oo isugu jira dadkii dagaallamay iyo shacab, waxaana ku dhaawacmay 50 kale.

Waxaa socda dedaallo ay wadaan waxgaradka ku dhow deegaanka Xeraale si loo damiyo dagaalladan, islamarkaana Labada dhinac wadahadal lagu xalliyo.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Xeraale waa ay barakaceen, waxaan dagaalkan uu bilowday kadib markii Ahlu-sunna ay halkaasi geysay ciidan badan oo aad u hubeysan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo Jimcihii qoraal soo saaray waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya deeganka Xeraalle in xaaladda qaboojiyaan, islamarkaana dagaalka lagu bedal wadahadal.

Goobjoog News