U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaannadii Shalay Ay Ku Dagaallameen Galmudug Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Waxaa xaalad degannaansho ah laga dareemayaa maanta oo jimco ah deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo ay ku dagaallameen ciidamada Galmudug iyo Xarakada Al-shabaab.

Deegaanno hoostaga deegaanka Af Barwaaqo ee gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay dagaal xooggan kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wariyaheena Cali Cayn oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in saaka dadka ku dhaqan Tuulooyinkii lagu dagaallamay ay billaabeen inay halkaasi ka barakacaan, sidoo kalena la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Labada dhinac ah.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay dib uga Laabteen Tuulooyinkii lagu dagaallamay, balse cabsida jirta ah ayaa in mar kale dagaal kale uu dhaco.

Saameynta ugu badan ee dagaalladii shalay dhacay ayaa waxay ku yeesheen dadka reer Miiga ah kuwaasi halkaasi ka barakacay.

Warkaan wixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News