U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegaanno Ka Tirsan Sool Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Isniin ah laga dareemayaa deegaanno  ka tirsan gobolka Sool oo ay ka dhaceen dagaallo qaab beeleed u abaabulan.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Sool, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in deegaannada Cagaarre iyo Gorilley oo dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Laascaanood ay saakay deggan yihiin, wallow xilli walbo dagaallo la filan karo.

Ma jirto cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan dagaallamay, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo hawada loo mariyey dhinacyadan is haya.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa deegannadan ka dhacay dagaallo xooggan, waxaana ku dhintey dad ka badan 5 sidey soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dhinacyadan is haya ayaa murankooda wuxuu ka bilowday waraabka xoolaha, iyadoo dagaalladan intii ay socdeen ay sababeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News