U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deeganno Ka Tirsan Shabellaha Hoose Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Degnanaasho ayaa saaka laga dareemayaa deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo duleedka ka ah degmada Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ku sugan deegaanadii shalay lagu dagaallamay, waxaana saaka halkaasi laga dareemayaa jawi ka deggan kii hore.

Adeegyadii bulshada oo aan sidaa u badneen ayaa dib usoo laabanaya, wallow dadka ay ka baqanayaan in mar kale halkaasi lagu dagaallamo.

Inta la hubo Shan qof ayaa dagaalladii shalay iyo habeen hore ka dhacay deegaannadaan ku geeriyootay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalka ayaa sii xoogeystay ka dib markii ciidamo gurmad ah oo ka tagay degmada Afgooye ay gaareen deegaanadaan oo saacado ay haysteen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News