U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Duleedka Gaalkacyo Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan.

Wararka laga helayo degaanno ku yaalla dhanka waqooyi bari ee magaalada ayaa sheegaya in xaalad deganaansho ah la dareemayo kadib dagaallo ka dhacay halkaasi 12-kii saac ee aynu ka soo gudubnay.

Maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku dagaallamay degaanno kaabiga ku haya degaanka Sarjimaale oo qiyaastii Gaalkacyo waqooyi bari kaga beegan 35-KM.

Inkastoo isgaarsiintu ay aad u adag tahay ayaa dadka degaanka waxay Goobjoog News ka soo xigatay in xaaladdu maanta ay tahay mid deggan.

Dagaallada ugu culus ayaa ka dhacay degaannadaasi shalay galab illaa xalay oo labada dhinac ay isku hayeen degaanno ku yaalla waqooyi bari magaalada Gaalkacyo.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac ah kuwaas oo la soo kala gaarsiiyay xalay illaa saaka Isbitaallada magaalada Gaalkacyo.

“Walaalle xaaladda way deggan tahay wax dagaal ah maanta ma jiro hase yeeshee waa la cabsanayaa oo dhinacyada malleeshiyaadka ah weli way isku horfadhiyaan meelihii lagu dagaallamay iyagoo gaadiid dagaal wata” ayuu yiri qof degaanka ahi.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan malleeshiyo beeleedka labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, mana jiro wax war ah oo illaa iyo iminka soo baxay labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Dhimashada isu dar waxa ay ku dhowdahay 20 ruux halka dhaawacana uu ka badan yahay 30 qof.

Goobjoog News