U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Gaalkacyo Oo Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalkaasi geystay khasaare kala duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa booqasho ku tagey dhismihii dagaalka Labada dhinac uu ka billowday, hase ahaatee wararku waxay tilmaamayaan in taasi ay keentay in dagaal uu halkaasi ka dhaco.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo Saddex kalena ay ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Xalay waxaa magaalada Gaalkacyo laga maqlayey rasaas xooggan oo Labada dhinac is weydaarsanayeen, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastii xalay.

Guud ahaan xaaladda Magaalada Gaalkacyo saakay waa mid kacsan, waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan Galmudug iyo Puntland.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Garoowe ayaa wada dedaallo lagu xalinayo xiisadda Gaalkacyo.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha magaalada Cadaado kula kulmay madaxda Galmudug oo uu kala soo hadlay daminta dagaallada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News