U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka saakay ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaal saacado kooban socday ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meel ku dhow halka Puntland ay maxjarka ka dhiseyso.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa ku geeriyootey dagaalladii shalay ka dhacay Gaalkacyo, iyadoo sidoo kale dad intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Madaafiic ayaa kusoo dhacday xaafado kamid ah Gaalkacyo, kuwaasi oo is weydaarsanayeen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Gaalkacyo ayaa in ka badan 2 Todobaad ku jirto xaalad adag, waxaa magaalada ka dhaca dagaallo aan dhammaad lahayd, kuwaasi oo waxyeello badan soo gaarsiiyey dad shacab ah.

Inta badan magaalada Gaalkacyo waxaa ka barakacay shacabkii ku dhaqnaa kadib dagaallada oo saameyn ku yeeshay xaafadihii ay dadkaan ku noolaayeen, welina ma muuqato xal waara oo dagaalkan lagu daminayo.

Goobjoog News