U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan galbeedka magaaladaasi.

Dagaalladan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la xaqiijiyey in halkaasi ku dhinteen Labo qof oo dhinacyadii dagaallamay ka tirsan, dhaawacana intaasi ayuu ka badan yahay.

Dagaalladan oo dhacay kadib heshiis horudhac ah oo ay gaareen Labada dhinac ayaa hadane Labada dhinac waxay isku eedeynayaa in midba midka kale uu lahaa weerarka dagaalkii shalay.

Xaaladda guud ee magaalada Gaalkacyo saakay oo Khamiis ah waa ay deggan tahay, weli magaalada dadkii ka barakacay kuma aaney soo  laaban, sababtuna waxay tahay ciidanka oo aan la kala qaadin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug 1-dii bishan waxay Imaaraadka Carabta ku gaareen heshiis horudhac ah oo ku saabsan dagaallada Gaalakcyo.

Goobjoog News