U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Maanta oo sabti ah wararkii ugu dambeeyay ee ka yimid Gaalkacyo waxay sheegayaan in xaaladda guud ee magaaladaasi ay tahay mid aad uga deggan Labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Waxaa socda dedaallo badan  oo ay wadaan waxgaradka Labada dhinaca, kuwaasi oo doonaya in dagaallada Gaaalkacyo joojiyaan,  Islamarkaana wax walbo  lagu dhameeyo wada hadal.

Guud ahaan adeegyadii bulshada ee Gaalkacyo ayaa ah kuwo joogsadey sababo la xiriira dagaallada ka socda magaaladaasi, waxaana sidoo kale magaalada ka barakacay shacabkii Koonfur iyo Waqooyi ku kala noolaa.

Khamiistii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaal xooggan oo sababay geerida ku dhowaad 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka, waxgaradka Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah waxay Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen iney joojiyaan dagaallada islamarkaana wax walbo lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Goobjoog News.