U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Marka Oo Al-shabaab Ay La Wareegeen

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa jawi ahaan maanta ka deggan maalmihii aynu kasoo gudubnay, halkaasi oo dhawaan ay la wareegeen ciidanka Xarakada Al-shabaab.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u sheegay Goobjoog News in Al-shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gudaha magaaladaasi, sidoo kalena shacabka weli aanay sidii looga bartay isugu socon.

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Marka ayaa weli xiran, iyadoo dadku ay ka baqayaan in dushooda lagu dagaallamo.

Saaka waxaa dib loo furay suuqa qudaarta iyo hilibka ee magaalada Marka, waxaana dadku weli ay yihiin kuwo u dheg taagaya waxa magaaladooda ku wajahan.

Dhinaca kale ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan deegaanka Ayuub oo magaalada Marka Banaankeeda ah, iyadoo mararka qaar halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa sheegaya in xilli walba ay yihiin kuwo ka baqanaya in dushooda lagu dul dagaallmo, inkastoo xaaladda ay ka yara deggan tahay maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News