U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay xarunta golaha shacabka oo xildhibaano badan ku buuqayaan

Sheeko:Dalka

Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka jira sawaxan xoogan, iyadoo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ay halkaasi ku yeerinaya uuna la socdo buuq xoogan.

Saaka waxaa loo balansanaa in kulanka xildhibaanada loogu qeybiyo mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee markii la yimid waxaa halkaasi ka bilawday buuq.

Xildhibaano ayaa qaatay buugii lagu xaadirin lahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana intaasi ka dib mar kale la keenay buug Labaad oo loogu tala galay in xildhibaanada lagu xaadiriyo, hase ahaatee mudanayaal kale ayaa la tagay Buugii labaad.

Intaasi ka dib xildhibaanada waxay wada galeen xaruntii lagu shiri lahaa, waxaana xildhibaanada qaar ay lasoo baxeen Firimbiyo, iyaga oo ku yeerinaya halkii lagu shiri lahaa.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa wata warqado ay ku qoran yihiin “DIIDNAY COD LACAG LAGU IIBSADAY” iyaga oo gaaf wareegaya howlka shirarka baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa galay xafiiska uu halkaasi ku leeyahay, waxaana goobta yimid taliyaha ciidamada Booliiska ee gobalka Banaadir Jeneraal Madaale, isaga oo la kulmay gudoomiye Jawaari.

Kulankaasi oo aan la ogeyn wixii looga hadlay ayaa waxaa howlkii dib ugu soo laabtay Jawaari oo doonayey in uu xildhibaanada la hadlo, hase ahaatee waxaa ku buuqay mudanayaal badan oo qaarkood ku hadaaqayey erayo ah “Haku milmin mooshinka”

Weli buuqa waa uu ka jiraa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, xildhibaanada waxa ay yihiin kuwo taag taagan sida ay soo sheegayaan wariyaasheena halkaasi ku sugan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.