U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Ka Dhacay Gobolka J/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Yaaq Bishaaro oo qiyaastii 60-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya dad xoolo dhaqato ah ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey Afar qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana intii dagaalkan uu socdey la isku adeegsaday hub culus.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland Axmed Maxamed Carab oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay guul ka gaareen, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in dagaalyahannadii Al-shabaab ee ay la dagaallameen ahaayeen kuwo dhowaan Geel ka dhacay deegaanno ku dhow Kismaayo.

Dhanka kale Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkaasi, iyadoo xaaladda halkii lagu dagaallamey ay tahay mid deggan.

Goobjoog News